Madaxda is khilaafsan ee Farmaajo iyo Rooble oo maanta lagu wado inay kulman.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha muddo xileedkiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu waddaa in ay kulmaan Saacaddaha soo socda sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah kooxaha dhexdhexaadinta wadda.

Kulanka ayaa diirada lagu saari doonnaa maamulka laamaha Amniga gaar ahaan booliska iyo hay’adda nabad sugida.

Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday ayaa lagu soo waramaya in uu wali ku adkeysanaayo maamulka laamaha Amniga halka uu diidan yahay arintaasi Maxamed Xuseen Rooble.

Labadda Madaxweyne ee waan waanta wadda ayaa dhankooda ayaa sheegaya in ay qabaan rajo wanaagsan oo ku saabsan soo afjarida khilaafka labada dhinac.

Khilaafkaan ayaa ka dhashay xilka qaadistii Ra’iisul wasaare Rooble uu ku sameeyey agaasimaha NISA ee Fahad Yaasiin iyo wasiirkii hore ee amniga Xasan Xundubey, taasoo dhalisay khilaaf xoogan ee u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.