Madaxii Qaraxyada Al-Shabaab ee Magaalada Marka oo la qabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan ururka 14-aad, guutada 14-ka October ee ku sugan Magaalada Marka ayaa howlgal gaar ah ka sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose , halkaas oo dhowr jeer ay ka dhaceen falal Amni darro oo ku waxyeeloobeen Askar iyo Dad Shacab ah.

Taliyaha ururka 14-aad, Guutada 14-ka October Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu qabtay Nin lagu Magacaabo Aweys Mayow eelaay oo ah, madixii qaraxyada Al-Shabaab u qaabilsanaa Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xilliga la qabanayay Aweys eelaay uu ku howlanaa Aasitaanka miino uu doonayay inuu ku dhibaateeyo Shacabka aan waxba galabsan ee Marka Cadey kunool, isla markaana sidoo kale ay ciidanka xoogga usuura-gashay inay gacanta ku dhigaan qaraxyo isugu jira Bamba gacmeedyo iyo Miinooyin uu hoygiisa ku farsameynayay.

Ugu dambeyn Taliyaha ururka 14-aad, Guutada 14-ka October Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye waxaa uu sheegay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo degaannada Shabeellaha Hoose.