Madaxii zakawaat-ka Al Shabaab oo gacanta lagu dhigay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wararka inaga soo gaaraya deegaanka warciise ee duleedka degmada jowhar ayaa waxay sheegayaan in halkaasi maanta ciidamada dawlada ay bur buriyeen maxkamad ay al shabaab ku lahaayeen.

Ciidamada waxay sheegeen in lasii wadi doono howlgalada lagu baacsanayo Al Shabaab ee gobolka shabellaha dhexe,waxaana hogaaminayey howlgalkaasi maanta lagu bur buriyey maxkamadii deegaanka warciise gudoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal).

Wararka waxay sheegayaan in howlgalka oo dhowr jiho ah ay ciidamada kusoo qabteen madaxii zakawaat-ka uqaabilsanaa Al Shabaab deegaanada Jowhar ilaa Raage ceele,kaas oo saxafaada mar uu kasoo muuqday uu sheegay inuu 10 sano la shaqeenayey Al Shabaab.

Odayga lasoo bandhigay ayaa sheegay in Al Shabaab uu katirsanaa lacagahana u aruurin jiray sidoo kalena uu ahaa nabadoon mid ka mid ah beelaha degga gobolka shabellaha Dhexe.