Madaxtooyada Puntland oo War Deg-dega ka soo saartay Dagaalka dib uga Qarxay Boosaaso

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxtooyada Puntland ayaa war kasoo saartay dagaalka Xalay mar kale dib uga qarxay Boosaaso, kadib xabbad joojin shalay labada dhinac ay ku dhawaaqeen,taasi oo qeyb weyn ka qaateen Isimada iyo odayaasha dhaqanka Puntland.

Qoraal kasoo baxday Madaxtooyada Puntland ayaa lagu Xusay in Puntland ay ka go’an tahay sarreynta sharciga iyo ilaalintiisa, waxayna Agaasimihii hore ee PSF ay ku eedeeyeen in uu hurinayo colaad ka dhacda Magaalada Boosaaso.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Asad Diyaano uu si aan kala sooc lahayn Magaalada ugu duqeynaya hoobiyaal ka mid ah hantida PSF ee laga sugayo inuu xilkeeda wareejiyo.