Madaxtooyada Soomaaliya oo fariin muhiim ah udirtay Al Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Lataliyaha amniga qaranka uqaabilsan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa ka hadlay fariin hanjabaad ah ay soo direen Ururka Al Shabaab.

Xuseen Sheekh Cali (Damuumaaye) ayaa sheegay in al shabaab ficil muslim ku dhaqmin,sidaas awgeed laga rabo inay shacabka udiir naxaan.

Lataliyaha Amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa ku baaqay in ay albaabada ufuraan dadka abaaraha heystaan sidii gurmadka loo gaarsiin lahaa.

Hogaamiye kuxigeenka Al Shabaab C/raxmaan Maxamed Warsame (Mahad Karataay) ayaa ku hanjabay inay doonayaan sidii ay uqabsan lahaayeen Al Shabaab.