Madaxwaynaha dalka Ukraine oo codsi u jeediyay Israa’iil

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa ka dalbaday Israa’iil in ay gacan ka siiso dagaalka ay kula jiraan Ruushka.

Zelensky ayaa sidoo kale ku dhaliilay Israa’iil sida ay uga caga jiideyso inay tignoolajiyadeeda difaaca gantaallada u dirto Ukraine.

Khudbad uu u jeediyay baarlamaanka Israa’iil, ayuu ku yiri: “Qof walba waa ogyahay in nidaamkiina difaaca gantaallada uu yahay kan ugu wanaagsan… xaqiiqdii waxaad caawin kartaa dadkeenna.

dhanka kale Ukraine ayaa iska dhega tirtay waqti kama dambeys ah oo uu Ruushka u qabtay ciidamada inay isku soo dhiibaan magaalada Mariupol.

Moscow waxay sheegtay inay furi doonto waddooyin bini’aadantinimo haddii saraakiisha Ukraine ay ogolaadaan inay hubka dhigaan.

Si kastaba ha ahaatee, Ukrain ayaa diiday dalabkaas, waxayna wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo saraakiisha Mariupol ay horay u sheegeen in Ruushku uu weeraray dugsi farshaxan oo ku yaalla magaaladaas, halkaas oo ilaa 400 oo qof ay gabaad ka dhiganayeen.

Duqeymo culus oo ka dhacay goob xaafad ah iyo goob laga dukaameysado oo ku taal Kyiv ayaa galaaftay ugu yaraan noolasha hal qof, sida uu sheegay duqa magaalada Vitali Klitschko.

Axadii, madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelensky wuxuu la hadlay baarlamaanka Israa’iil si ay u taageeraan

Maamulka Ukraine ayaa sheegay in in ka badan 7,000 oo qof la daadgureeyay ka dib wadooyinka bini’aadantinimo oo la furay Axaddii.

Ballanqaadyada bini’aadantinimo ee Moscow lama aamini karo, sida uu sheegay Pyotr Andryushenko, oo ah la taliyaha duqa magaalada Mariupol, isaga oo sheegay inaysan joojin doonin is difaacidda.