Madaxwaynaha Galmudug oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska.

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska, kuwaas oo tababar ku qaatay magaalada Dhuusamarreeb.

Munaasadda tababarka loogu soo xiray Ciidanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirasan dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug,, Taliyaha Booliska qeybta guud ee Galmudug, Guddoomiyaha ahna duqa caasimadda Dhuusamarreeb iyo saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada Booliska Galmudug.

Qoor-qoor ayaa la dardaarmay Ciidanka tababarka loo soo xiray, isagoo si gaar ah ugu boorriyay in ay ka qayb qaataan nabadaynta degaanada maamulka Galmudug oo uu sheegay in haatan uu u baahan yahay wax ka qabasho dhanka ammaanka.