Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland & Midowga Afrika oo ka wada hadlay Arrimaha doorashada

Muqdisho-Ayaamaha-Madaxwayne ku xigeenka koobaad ee dawlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan is xog waraysi ah oo aaladda fogaan araga loo adeegsanayo la qaatay masuuliyiin ka socda Midawga Afrika.

Kulankan oo ahaa mid xaqiiqo raadin ah waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga iyo ciidamada qalabka sida ee dalka, nidaamka federaaliisimka dalka iyo caqabadaha ku gadaaman, cadaaladda iyo dib u heshiisiinta bulsho, xaaladda bani’aadannimo.

Madaxweyne kuzigeenka 1aad ee Jubbaland ayaa sheegau in sidoo kale shirka looga hadkay is kaashiga laamaha amaanka dalka iyo ciidammada hawlgalka nabad ilaalinta Midawga Afrika (AMISOM) ee dalka ku sugan.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaas uu ku daray in ay Midowga Afrika ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka, caqabadaha hortaagan, siyaasiyiinta iyo Ciidamada kala.qeybsamay iyo sidii looga gudbi lahaa.

Xubnaha Midowfa Afrika ayaa waxaa la filayaa inay kulamadooda sii joogteeyaan, sidoo kalena ay kulamo kala duwan la qaataan Madaxda Dowlad Goboleedyada kajira dalka.