Madaxweyayaasha Puntland & Jubbaland Oo Kulamo Ka Leh Go’aankii Xukuumadda

doorashada lagu soo koobo hal Magaalo
doorashada lagu soo koobo hal Magaalo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal waxaa kulamo uga socdaa Madaxweynayaasha Maamulada Puntladn & jubbaland, kadib Go’aankii xukuumadda & Madaxda saddexda dowlad Goboleed ee ahaa in la aadayo doorasho, iyada oo aan cidna loo hakeyn.

Labada Madaxweyne ayaa kulamadooda waxaa ay uga hadlayaan sida ay ka yeelayaan go’aanka ay ku dhawaaqday Xukuumadda, waxaana kulamada qeyb ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac Odayaasha Dhaqanka.

Wararka kulamada laga helay ayaa sheegaya in Maanta ay u badan tahay in Madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland ay saari doonaan Warsaxaafaded ay ku mideysan yihiin ama ugu yaraan ay qaban doonaan shir jaraa’id oo ay uga hadlayaan arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynayaasha maamulada puntland iyo jubbaland ayaa dhaliilsan habka ay dowladda Soomaaliya u wajaheyso Arrimaha doorashooyinka, sida inay kasoo horjeesteen guddiyada doorashooyinka ay dowladda Magacaawday iyo arrinta gobolka Gedo oo khilaafka ugu badan uu ka taagan yahay.