Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya oo si rasmi ah xilka ula wareegay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha 10aad Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xilka Madaxweynaha JFS ugala wareegay madaxweynihii 9aad ee Jamhuuridda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Munaasabadda uu xilka kula wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ka qaybgalay Guddoonka Golayaasha Shacabka iyo Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad JFS, Madaxweynihii 7aad, Ra’iisul Wasaarihii Dowladdii KMG ahayd, Xildhibaanno iyo marti kale.

Madaxweynaha xilka la wareegay ee Xasa Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu dib eegayo feylasha uu ku wareejiyay Madaxweynihii 9aad ee Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si uu u hubiyo macluumaadka ku qoran.

Waxa uu sheegay in marka uu si tartiib-tartiib ah u aqriyo wixii uu ku arko uu dib ugu laaban doono Madaxweynaha xilka ku wareejiyay ee JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu hadalka u dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Dukumiintiyada iyo Feylasha waa weyn ee uu Madaxweynaha ka hadlay waan la wareegay, si tartiib-tartiib ah ayaa dib ugu aqrin doonaa wixii aan ku arko walaalkey wuu joogaa dib ayaan ugu noqon doonaa” Sidaasi waxaa yiri MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha JFS ee Maanta Xilka la wareegaya ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyay labo jeer loo doorto hoggaaminta Dalka, waxaa horyaalla wax ka qabashada Amniga, Dhaqaalaha, Hagaajinta Siyaasinta, Xiriirka Caalamiga, Doorashada soo socota & qabyo-tirka Dastuurka.