Madaxweynaha dalka Madagascar oo isku day dil ka badbaaday

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dowladda Madagascar ayaa shaacisay in ay ka hortagtay isku day la doonayay in lagu dilo madaxweynaha dalkaas, Andry Rajoelina.

Xafiiska dacwad oogaha guud ayaa sheegay in dhowr muwaadin oo u dhashay dalka Madagascar iyo ajaanib kale in toddobaadkan loo qabtay arrimo la xirriira kiiskan, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka lagu hayo qorshaha lagu baadi-goobayo dadkii ka dambeeyay falka lagu dili rabay madaxweyne Andry Rajoelina.

Bayaan ka soo baxay xeer ilaaliyaha guud ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay ee eedeysan ay qorsheynayeen “dilka” tiro dad ah oo kooban.

Bishii la soo dhaafay, intii lagu guda jiray dabaal-degga Maalinta Madax-bannaanida dalka Madagascar, mas’uuliyiinta dalkaas waxay ku dhawaaqeen inay fashiliyeen dedaal lagu doonayay in lagu dilo madaxa ciidanka qaranka, Jeneral Richard Ravalomanana.

Booliska Madagascar ayaa toddobaadkan xiray lix qof oo uu ku jiro qof ajnabi ah, oo looga shakisan yahay in ay maleegayeen dilka madaxweynaha, ka dib baaritaanno bilo socday, sida ay saraakiisha sheegeen.

Andry Rajoelina ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynaha jasiiradda Badweynta Hindiya sannadkii 2019-kii ka dib doorashadii adkayd ee ka dhacday dalkaas.