Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida oo maanta ku wajahan Berbera

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wafdi uu hoggaaminayo madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa maanta lagu wadaa inuu gaaro magaalada Berbera, iyagoona ka soo ambabaxay magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida

Mustafa Cagjar  ayaa waxaa uu ka qeyb-gali doonaa  xarig  jarka Dekadda Magaalada Berbera oo dib u casriyayn weyn  lagu sameeyay.

Wasiirka maaliyadda deegaanka Soomaalida Mubashir Dubbad Raage oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegay in wafdigba madaxweynaha ay ka soo ambabaxeen magaalada Jigjiga, islamarkaana ay ku wajahan yihiin Magaalada Barbara.

Ammaanka magaalada Barbara ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, iyadoona ciidamo badan la dhigay wadooyinka gala magaaladaasi.