Madaxweynaha Faransiiska oo wejiga lagaga dharbaaxay meel fagaara ah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Muuqaal dhex wareegaya baraha bulshada waxaa la arkay madaxweyne Macron oo socod gaaban ku maraya qeyb ka mid ah dhismaha Drôme.

Ka dib nin ayaa wejiga ka dharbaaxay madaxweynaha, waxaana ninkaas isku duubay askarta. Macron ayaana meel gabaad ah loola cararay.

Labo in ayaa dhacdadaas loo xiray ka dib markii muuqaalka uu baahay, sida saxaafadda Faransiiska ay ku warramayaan.

Markii dharbaaxada ay ku dhacday madaxweynaha waxaa lagu dhawaaqay “ha dhoco macron”.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Macron ayaa iska fogeeyay in dhacdadaas ay lug ku lahaayeen.

Hoggaamiyaha Midigta-Fog, Jean-Luc Mélenchon, wuxuu Twitter-kiisa soo dhigay “inuu u damqaday madaxweynaha” isla markii ay dharbaaxada ku dhacday.