Madaxweynaha Galmudug oo isbaxaysi cusub ka billaabay Dhuusamareeb

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan ujeedkiisu ahaa iscafin iyo dardaaran la qaatay xubno ka mid ah Xildhibaanada dhawaan lagu doortay Dhuusamareeb.

Xildhibaannada uu la kulmay ayaa waxaa kamid ahaa Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Xildhibaan Cabdullahi Aadan Kulane iyo Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan oo dhamaantood ku guuleystay Doorashada Golaha Shacabka ee dhawaan ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Saddexda Xildhibaan ayaa Madaxweynaha Galmudug waxaa ay uga mahad celiyeen dadaalka uu ku bixiyay howlaha doorashooyinka, iyaga oo ugu baaqay in uu sii dardargeliyo doorashada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda in uu Magaalada Dhuusamareeb kula kulmo Xildhibaannada ugu saameynta badan Golaha Shacabka ee dhawaan lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.