Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa oo ka yimid Dhuusamareeb ayaa gelinkii dambe ee galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo maanta lagu waday inuu furmo, hayeeshee dib u dhac ayaa ku yimid, sababo la xiriira safarka Madaxda maamul Goboleedyada.

Shirka Madaxda ayaa looga hadli doonaa dardar-gelinta heshiiskii 27-kii May laga gaaray qabsoomida doorashooyinka dhacaya, waxaana shirka ka qeyb geli doona Guddiyada doorashooyinka ee la magacaabay.