Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo sheegay in uu wada-hadal la furaayo dadka kasoo horjeedo Maamulkiisa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka hadlay dadka kasoo horjeeda Maamulkiisa iyo in dhowr jeer loo diiday tegitaanka Magaalada Beledweyne.

Cali Guudlaawe oo Khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu xusayay Sanad-guurada 5aad ee Hir-Shabeelle ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay wada-hadal la galaan cid kasta oo kasoo horjeeda Maamulka Hir-Shabelele.

Waxaa uu sicad u sheegay inay tabasho laga ay jiri karto balse aysan macquul aheyn in la yiraahdo nooma imaan kartid, waxaana Bulshada uu ugu baaqay inay Maamulka la Shaqeeyaan.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay si cadaalad ugu Shaqeyn doonaan Shacabka kunool degaannada Hir-Shabeelle.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowr jeer laga hor-istaagay in uu tago Mavaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay joogaan maleeshiyaad uu wato Janeraal Xuud oo siweyn u diidan doorashadii Cali Guudlaawe Madaxweynaha Hir-Shabeelle.