Madaxweynaha Hirshabeelle iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyey Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi Balaaran hogaaminayo ayaa Goordhaw Soo Gaaray Magaalada baladweyne,

Wafdiga Madaxweynahu Waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay boqolal kamid ah Shacabku Magaalada Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobolkeedka Hir-shabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) Wasiiro Xildhibaan,Maamulka Degmada Baladweyne kana Gobolka Hiiraan,

Sido kale Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Waxaa ka qeyb ahaay Wasiiro katirsan Dowladda federaalku.

Ka hor inta uusan Madaxweynaha Hir-Shabeelle tegin Beledweyne ayaa waxaa la xiray inta bafan waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Beledweyne iyo wadada gasha Garoonka, waxaana jug la sheegay inay jirtay madaafiic lagu garaacay garoonka.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ujeedka ugu weyn ee Bedweyne u tegay waxaa ay tahay arrimo ku saabsan doorashada kuraasta halkaasi taalla iyo sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan Reer Hiiraan.