Madaxweynaha Hirshabeelle oo amar siiyay Saraakiisha ciidanka ee Beledweyne

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyo Madaxweyne Ku Xigaanka Hirshabeelle ayaa shir gudoomiyay kulanka guud ee amniga oo maanta ka dhacay Magaalada Beledweyne.

Shirka amniga ee maanta oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Amniga, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidanka Booliiska Hirshabeelle, Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida Gobolka, Taliyayaasha Ciidamada Gorgor iyo Haramcad ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledweyne iyo Saraakiisha Ciidamada Amisom iyagoo Madaxweynaha la wadaagay qorshe amni oo lagu xaqiijinayo amniga iyo xaslinta Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha hay’addaha amniga in todobaad gudihiis is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada,