Madaxweynaha HirShabeelle oo amray in lasoo qabto dadkii dilay Nabaddoon Caan Ahaa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay xaafadda Buundaweyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ku dilay Nabaddoon caan ka ahaa Gobolkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Coloow, isagoo u dhintay rasaas badan oo lagu furay.

Dableydii dishay Nabaddoon Cabdi Xuseen Coloow ayaa goobta uu falku ka dhacay ka baxsatay.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdi Xuseen Coloow oo kamid ahaa nabadoonada ugu caansan Hirshabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa faray Laamaha Amniga inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambaysay falkaas, degdegna uga shaqeeyaan xasilinta Amniga Magaalada Beledweyne.