Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Codsi U Diray Beesha Caalamka

JOWHAR-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Hirshabeelle oo qaabilay Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadlay Arrimaha Doorashooyinka Amniga iyo Bini’aadanimada.

Madaxweynaha oo kulankaan la qaatay Wakiilada Qaramada Midoobe, Midowga Africa, Safiirka EU iyo Urur Goboleedka Igad ayaa uga warbixiyey heshiiska laga gaaray arrimaha doorashada iyo sida ay ugu diyaar gaoowday Hirshabeelle Arrimaha soo socda.

Cali Guudlaawe ayaa cadeeyay inay qaban doonaan doorasho xalaal ah oo si nabad ah ku dhacda, sidoo kale waxa uu kala hadlay Howlgalada ka dhanka ah Alshabab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle,waxa uuna soo jeediyay in howlgadaas ay ku biiraan Ciidamada AMISOM.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalada Beesha Caalamka ay la garab taagan tahay Somaliya isagoo ka codsaday in la garab istaago oo loo gurmado dadka ay dhibaateeyeen Fatahaada Wabiga Shabeelle lagana wada shaqeeyo xal u helida aafooyinka fatahada iyo in la hirgaliyo biyo xireeno.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey guulaha laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka, Amniga iyo Arrimaha Bini’aadanimo, iagoo cadeeyay in Hirshabeelle ka caawin doonaan xal u helida fatahaadaha iyo caawinta arrimaha bini’aadanimada.