Madaxweynaha Hirshabeelle oo Mareykanka la wadaagay arrin la xiriirta AL-SHABAAB

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Safirika Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry André. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wadahadlay xaaladaha guud ee Hirshabeelle gaar ahaan amniga iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay Danjire Larry André in dagaaladii lala galay cadowga lagu jabiyay iyadoo laga xureeyay deegaano degmooyin ka tirsan Hirshabeelle, haatanna lagu jiro waqtii lasoo afjari lahaa kooxda Al-shabaab ee cadowga ku ah jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in haatan lagu jiro waqtigii lasoo afjari lahaa kooxda Al-Shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale labada mas’uul ayaa isla soo hadal qaaday muhiimada ay leedahay in deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab laga fuliyo barnaamijyada xasilinta, si ay bulshado u hesho adeegyada muhiimka ah ee dowladda iyo kor u qaadida mashaariicda horumarineed.