Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay sababta uu uga baaqday Shirka Garoowe

JOWHAR-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Calii Gudlaawe Xussein ayaa Magaalada Caasimada Jowhar ka daahfuray Shirka Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelo Walaalo ah oo colaadi ku dhexmartay deegaanka burdheere ee Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Shirkaan  waxaa ka qeybgalay Xubnaha labada gole ee Hir-Shabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Drexe, Gudoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Somaliyed, Nabadoonada, Culimada, iyo Aqoonyahanada Beelaha Walaalaha ee Colaad dhextaalay muddo fog.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday waxgaradka iyo Aqoonyahanada beelahaan inay ka dhabeeyaan nabadeynta iyo soo afjarida colaadaan dabadheeraatay oo galaafatay nolosha dad badan.

Madaxwaynaha ayaa goobta ka sheegay muhiimada uu shirkaan u leeyahay awgeed uu uga baaqday casuumaad uu ku tagi lahaa garowe isagoo sheegay inuu ka doorbiday Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Beelaha Walaalaha ee wada dega Degamada Cadale.