Madaxweynaha Hirshabeelle Oo War Kasoo Saaray Dilkii Giddoomiye Faarax Diir

Beledweyne-Ayaamaha-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ka hadlay dil xalay Magaalada Baladweyne loogu geystay Guddoomiyihii dhalinyarada Gobolka Hiiraan ee Maamulkaas.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa tacsi u diray Ehelada Marxuum Faarax Cabdi Cali Faarax Diir Gudoomiyahii Ururka Dhallinyarada Gobolka Hiiraan oo koox hubeysan ku dileen xaafad ka tirsan Magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuum faarax ahaa haldoorkii Dhalinyarada iyo isku haye bulsho, isla markaana waxaa uu faray hay’adda Amniga inay gacanta kusoo dhigaan cidii ka dambeysay dilka Faarax Diir.

Raggii ka dambeeyay dilka Guddoomiyihii dhalinyarada Gobolka Hiiraan ayaa falka kadib goobta si dhaqsi ah uga baxsaday, waxaana markii dambe halkaas tegay oo qaaday Meydka Ciidanka amniga iyo qaar kamid Eheladiisa.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaas ay socdaan howlgal lagu baadi goobayo raggii fuliyay dilkii Marxuun Faarax Cabdi Cali oo loo yaqaanay Faarax Diir.