Madaxweynaha Hirshabelle oo ku soo wajahan Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta la filayaa inuu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu kaga qeyb galo shirka wadatashiga qaranka.

Shirkan oo lagu waday inuu furmo Khamiistii la soo dhaafay ayaa maanta oo Sabtida ah la filayaa inuu ka furmo Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaray madaxweyneyaasha maamulada Koofur Galbeed, Galmudug, Jubbaland iyo Puntland, kuwaasi oo Muqdisho u yimid ka qeyb galka shirka looga hadlayo muranka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Koofur galbeed iyo Puntland oo Muqdisho soo gaaray