Madaxweynaha iyo Wasiirada Afganistan oo isku diyaarinaya inay xilka si nabad ah ugu wareejiyaan Taliban.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Afghanistan ayaa ka soo muuqday muuqaal, laga sii daayay TV -ga maxalliga ah ee Tolo, isaga oo sheegay in si nabad ah xukunka loogu wareejin doono dowlad ku meel gaar ah. Wuxuu sheegay in Kabul aan la weerari doonin.

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa sidoo kale xukunka iska casili doona saacadaha soo socda, kadib markii kooxda Taliban ay soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Dowladda ayaa xukunka si nabad ah ugu wareejin doonta Taliban, ayada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin Kabul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Abdul Sattar Mirzakwal.

Wakaaladda wararka ee Associated Press, oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan dowladda Afgaanistaan ayaa sheegtay in ergada Talibaan u qaabilsan wada -xaajoodyada ay ku sii jeedaan madaxtooyada si ay isugu diyaariyaan ku “wareejinta” awoodda.

Dagaalo ayaa saacadihii hore ee maanta ka dhacay koonfurta iyo waqooyiga Kabul, inkasta oo afhayeen u hadlay Taliban uu sheegay inay amreen ciidankooda inaysan xoog ku qabsan magaalada, oo dowladda laga sugo inay xukunka iska soo wareejiso.