Madaxweynaha Jabuuti oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Magaalada Muqdisho waxaa saaka gebi ahaanba xiran waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi, xilli sidoo kale maanta uu xiran yahay garoonka caalamiga ahi ee Aadan Cadde, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay hay’adda duulista rayidka ee Soomaaliya.

Muqdisho waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay uu shir uga socday madaxda dowladda dhexe iyo kuwa maamul-goboleedyada.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda aynu walaalaha nahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah uga billaabaneysaa caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qabanqaabada soo dhaweynta Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn looga dareemayaa caasimada dalka iyada oo aad loo adkeeyay ammaanka.

Hay’adaha ammaanka ayaa Muwaadiniinta sharafta badan ee Soomaaliyeed ka dalbanaya in ay dulqaad muujiyaan maadaama isu socodka la adkeeyay si amniga martida loo sugo.

Hay’adaha ammaanka ayaa xanibay isku socodka Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee waddooyinka qaar ee Muqdisho halka meelaha qaar dadka loo diidayo xataa inay lug ku maraan.

Sidoo kale wararka la helay ayaa sheegaya in Muqdisho ay imaanayaan Madaxweynaha dowlad degaanka Mustafe Cagjar iyo Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale, waxaana Madaxdan ay ka qeyb galayaan xarig jarka Xarunta Akeedamiyada Farta Soomaaliga oo ay dhistay dowladda Jabuuti.