Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada Magaalada Muqdisho

Muqdisho-Ayaamaha-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaama Madoobe hoyga uu Magaalada Muqdisho ka dagan yahay kulan kula qaatay Safiirka Itoobiya u jooga Soomaaliya Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

labada mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen xaalada Soomaaliya ee xilligan iyo dardar gelinta howlaha doorashooyinka ee heshiiska laga gaaray iyo xiriirka wadashaqeyneyd ee dowladda Itoobiya iyo Maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe) aya inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la yeesho mas’uuliyiin dowladeed ee Wakiilada Beesha Caalamka.