Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay Wakiilada Beesha Caalamka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo  ku qaabilay wafdi kasocda Wakiilada beesha Caalamka.

Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

Kulanka ayaa waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilowga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlaha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in lagu garab istaago oo loo madaxbaneeyo shaqooyinka horyaala taas oo wax badan ka tari karta shaqooyinka socda.

Dhinaca kale Madaxweynaha wuxuu ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro arimaha kasoo cusboonaday Dowlad Goboleedka Galmudug si ayna caqabad ugu noqon shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala Dowlad Goboleedkaas taas oo ay masuul ka yihiin sharciyadna u leeyahiin maamulka deegaanadaas masuuliyiinta Galmudug.