Madaxweynaha Jubbaland oo sheegay in ay dhameystirayaan doorashada Golaha Shacabka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa shir gudoomiyey kulanka golaha wasiiradda oo ka qabsoomay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn golaha uga warbixiyey xaaladda amaanka xili ciidamadda ay ku howlanyihiin sugida amniga deegaanada Jubaland iyadoo Madaxweynahu uu ku amaanay Ciidaamada sida ay diyaarka ugu yihiin badbaadinta iyo ilaalinta shacabka xili dalka uu doorasho ku jiro.