Madaxweynaha Kenya oo kasoo horjeystay go’aankii Maxkamadda ICJ

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xiriirkii ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.

Waxa uu markale ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka.

Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah.

Maxkamadda ugu sareysa ee Qaramada Midoobeey ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya.

Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda.