Madaxweynaha Koofur Afrika oo loo heysto in uu qariyay $4 Milyan oo laga xaday beertiisa.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa bannaanka usoo baxday eedeyn ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Afrika Cyril Ramaphosa oo ah in uu qariyay lacag dhan $4 Milyan oo dollar oo Kaash ah oo laga xaday Beertiisa.

Ramaphosa ayaa loo heystaa dambi ku saabsan sababta uu u qariyay lacagtaas laga xaday Beertiisa oo ku taalla Waqooyiga Gobolka Limpopo sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan oo si dhaw ula socday dacwaddaan.

Madaxweynaha ayaa ku dooday in uusan dafirin balse uu ku wargeliyay Madaxa qaybtiisa ilaalada gaarka ah oo isaga qaadanaya mas’uuliyadda qarinta maadaama uusan u sheegin Booliiska oo falkaas baaris ku sameyn lahaa isla waqtigaas.

“Waa sharci darro in falkaas aanay loo sheegin Booliiska oo ah Hay’adda shaqada ku leh in ay daba-gasho si ay usoo qabato Dadka qaatay lacagta maqan, xatooyadaas waxa ay dhacday Febaraayo 2020“ Sidaasi waxaa yiri Sarkaal katirsan Dowladda Koofur Afrika…