Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo faah faahiyay safarkiisa degmada Waajid

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, iyada oo siweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne laftagareen oo faah faahin ka bixiyay safarkiisa ayaa sheegay in marka ore ujeedkiisa uu yahay ka qeyb galka munaasabad lagu caleemo saarayo Maamulka Cusub ee Golaha degaanka degmada Waajid.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Golaha degaanka ee degmada Waajid loo dhisay ay qeyb ka heyd balanqaad uu sameeyay safarkii kan ka horeeyay ee uu ku tegay degmadaas.

Degmada Waajid ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ka tirsan Gobolka Bakool ee mudada ka badan 10 Sano u go’doonsan Ururka Al-Shabaab, waxaana dadka ku nool ay wajahayaan xaalado bani’aadanimo.