Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Wakiilada Beesha Caalamka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Saaxibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo uu horkacaayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan.

Kulanka Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday Arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii 27-kii May laga gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada.

Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Wakiilada Beesha Caalamka ee uu la kulmay kala hadlay mashaariicda hormarineed ee ka socda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa ka hor kulankan waxaa uu kulan looga hadlayay doorashada Soomaaliya uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.