Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Xubnaha Aqalka sare ee la doortay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa munaasabad isugu jirtay Mahadcelin Gollaha Baarlamaanka iyo soo dhoweynta Xildhibaanada Cusub Aqalka Sare ugu sameeyey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Xubno kamid ah labada Gole ee Maamulka Koonfur Galbeed, Xubno ka tirsan Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed & mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga mahad celiyay Golaha Wakiilada Koonfur galbeed ee doortay 8-da Xubnood ee Aqalka Sare ku matala Maamulka, waxaana uu ku amaanay inay sameeyeen taariikh wanaagsan oo ay kaga duwan yihiin maamulada kale.

Sidoo kale Madaxweyne laftagareen ayaa u mahad celiyay Guddiyada doorashooyinka Heer federaal iyo Heer dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed, isaga oo sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed ay si kalsooni leh u qabteen doorashadii Aqalka Sare.

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in degaannada Koonfur Galbeed iyo degaannada kal ee dalka inay ka bilaawdaan doorashada Aqalka Hoose ee golaha Shacabka, iyada oo u diyaar garoog xoogan uu ka socdo dalka.