Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lafilayo inuu billaabo doorashada Aqalka Sare.

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Safar Maalmo qaatay ugu maqnaa Dalka Turkey ayaa Maanta dib ugu  laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati gaduud ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee Koonfur Galbeed, Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee bulshada.

Lafta gareen ayaa la filayaa inuu noqdo maamulka labaad ama seddexaad ee billaabaya doorashada Aqalka sare, maadaama Jubbaland ay shalay soo saartay afar kamid ah liiska sideeda Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kaso gala Maamulka Jubbaland.

Madaxweyne laftaagreen ayaa sanadkaan dhoiwr jeer isaga daba laabtay dalka Turkiga, isaga oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaas iyo Jaaliyadda Koonfur Galbeed eek u sugan meelo kamid ah dalka Turkiga.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa la filayaa in maalinta berito ah uu shir guddoomiyo Shirka Golaha Wasiirada Koonfur galbeed, isaga oo Warbixin ka siin dona halka ay marayaan qabsoomida doorashada xildhibaannada labada Aqal.