Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Laabtay Baydhabo

BAYDHABO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kadib safar shaqo oo maalmo qaatay uu ku joogay Muqdisho iyo dalka Turkiga.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota ee dalka ka dhici doonto.

Sidoo kale inta uu ku sugnaa Caasimadda Madaxweyne Lafta-gareen ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Beesha Caalamka, iyagoona ka wada hadlay fulinta heshiiskii laga doorashada iyo xaaladda guud ee deegaanada maamulkiisa.

Mas’uuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kala duwan ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, waxaana intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Madaxtooyada.