Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Magacaabay Gole Wasiire Cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta waxaa uu Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada oo banaanaa, kuwaas oo mas’uuliuiintii haayay ay kamid noqdeen Xikdhibaannada Golaha Shacabka.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu Magacaabay Wasiirada kala ah.

1: Dr Cali AlCabdi Macalin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.

2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

3: Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

4: Xasan Cabdinuur Aadan oo loo Magacaabay Wasiirka Gaadiidka cir & Dhulka Koonfur Galbeed.

5: Sandheere Maxamed Iftin oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada ee la Magacaabay ayaa bedelaya Xubnihii horaybu haayay, kiwaas oo xilalkooda ku waayay kamid noqoshada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.