Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Magacaabay Wasiiro Cusub

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa xilka qaadis ku sameyey Qaar kamid ah Golaha Wasiirada isagoona kuwo kale Cusub uu Magacaabay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa xilka Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Koonfur Galbeed loo magacaabay inuu noqdo Ibraahim Cali Aadan Janax oo horey u ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale Lafta-gareen ayaa Wasiirka Wasaaradda Dekaddaha iyo gaadiidka badda u magacaabay Cali Maxamed Cali, halka Cumar Axmed Aadan laga dhigay Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Wasiirada dhalinyarada iyo ciyaaraha, Dekeddaha iyo dastuurka Koonfur Galbeed.

Sababta loo magacaabay Wasiirada Cusub ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dardar-gelinta howlaha maamulka iyo ahmiyada Golaha Wasiirada ee maamulkaas.