Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafatagareen ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga oo ka yimid Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Koonfur Galbees  ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qeyb galka Shirka Madaxda Dowladda, Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee looga hadlayo Arrimaha doorashoiyinka, kaas oo ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale lagu wadaa si ay shirka uga qeyb galaan inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha, Jubbaland, Puntland iyo Hir-Shabeelle..