Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray magaaladda caasimada ah ee Muqdisho si uu kaga qeb galo shir u furmi doona Madaxda Federaalka iyo Maamulada.

Wasiiro iyo xildhibaano labada gole, masuuliyiin ka socotay xafiisyada Madaxweynaha iyo Kan Ra’iisal Wasaaraha ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaaladda Muqdisho.

May be an image of 9 people, people standing and suit

May be an image of 7 people and people standing

Berri oo Axad ah ayaa lagu wada in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shir u dhaxeeya madaxda maamulada iyo Madaxda Federaalka oo lagu xalin doono mad-madow soo kala dhexgalay taas oo hakisay wada shaqeyn rasmi oo u billaaban rabtay dowladda cusub ee Xasan Sheekh iyo Madaxda Maamulada Dalka.