Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Soodhaweynta Axmed Madoobe ayaa waxaa ka qayb qaatay Mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ay ku jiraan xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe ayaa u jeed ka uu Muqdisho yimid waxaa uu yahay ka qayb galka shirka Wadatashiga ee la filayo in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda.

Axmed Madoobe ayaa noqonaya madaxweynihii saddexaad ee soo gaaray magaalada Muqdisho, ayada oo saaka barqanimadii uu caasimada soo gaaray Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo wafdi uu hoggaaminayo.