Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Garoowe

GAROOWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo todobaadyadii la soo dhaafay ka maqnaa degaannada Maamulkaas ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash, qaar kamid ah Xubnaha labada Golle ee Puntland iyo Saraakiisha Ciidamada, waxaana ugu dambeyn la geeyay Xarunta Maamulka uu ku Shaqeeyo ee Madaxtooyada.

Deni oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib markii uu Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay tartankii doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo dhaweyntiisa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo saacadii la soo dhaafay la xaliyay khilaafkii kala dhaxeeyay.

Madaxweynaha Puntland ayaa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa, wuxuuna sheegay in Puntland ay ku faraxsan tahay Natiijada kasoo baxday doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Deni ayaa Wararka la helay ay sheegayaan in uu qorsheeyay isbedelo uu ku sameeynayo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee Maamulka.