Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay qaraxii maanta lagu weeraray.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa war kasoo saaray Qarax maanta lala eegtay kolonyo galbineysay oo geestay khasaaro kala duwan.

Hoos ka akhriso:

Waxaan Ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo guud ahaan Ciidamada Daraawiishta uga tacsiyeynayaa geerida Alle Ha’unaxariiste Cabdullaahi Maxamed Shafeec iyo Maxamed Axmed Cabdullaahi oo ka tirsana Ciidamada Madaxtooyada kuwaasi oo maanta ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Boosaaso.

Waxay ahaayeen geesiyaal naftooda u huray dalkooda iyo dadkooda,alle waxaan uga baryayaa inuu janadii geeyo, ehelkoodiina samir iyo iimaan uu kasiiyo. Sidoo kale waxaan intii dhaawacantayna alle uga baryayaa in uu u boogga dhayo. Aamiin.

Ciidamadeena geesiyaasha ah waxay marwalbo heegan u yihiin difaaca Dowladdnimada, nabadda iyo horumarka Puntland, weerarada noocan oo kale ahna Puntland u hakanmayso, hore ayeey u soconaysaa iyadoo Cadowga ama cidkastoo falkaasi iyo kuwa la mid ka ah ku lug leh sharciga la marsiinayo.