Madaxweynaha Puntland oo soo gudbiyay magacyada Guddiga Doorashooyinka Maamulkaas

GAROWE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u soo gudbiyay magacaabista xubnaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee heer Federaal.

Warqadda uu madaxweyne Deni ku soo magacaabay xubnahan ayaa lagu socodsiiyey Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble, iyadoo lagu cadeeyey in ogaansho ay ka heysato xafiiska madaxweyne Farmaajo.

Magacyadda Guddiga oo ka kooban sideed xubnood

1. Cabdikariim Muuse Maxamuud
2. Mouse Cabdiqaadir Ducaale
3. Axmed Cabdi Maxamuud
4. Ceynaanshe Yuusuf Xuseen
5. Caydaruus Axmed Faarax
6. Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7. Farxiya Xuseen Maxamuud
8. Canab Xaaji Saleebaan Warsame