Madaxweynaha Puntland Oo Soo Saaray Go’aano Culus

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo saaray go’aamo cusub oo la xiriira qiima dhaca lacagta Shilin Soomaaliga iyo Sarifka,  oo maalmihii la soo dhaafay bulshada ay ka cabanayeen.

Deni oo qabtay shir jaraa’id ayaa waxaa uu sheegay in lacagta canshuurta ah ee dekada 10% lagu qaadi doono shillin Soomaali halka lacagta taleefoonada laysugu diro ee doolarka ah aan la diri karin 10 doolar ka yar si  lacagta shallinka ah u shaqayso.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay banaanbax shalay ka dhacay Garoowe oo dadka ay uga cabanayeen sicir bararka ayaa waxaa uu sheegay in uusan ahayn mid la xiriira diidmada lacagta iyo sarifka balse uu ahaa mid Puntland lagu sumcad dilayo oo ay ka dambeeyeen dad ka faaidaysanaya dareenka bulshada una deegaya dano siyaasadeed.

Hadalka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay isticmaalka lacagta Shillinka Soomaaliga laga diiday degaannada Puntland, isla markaana Bulshada ay cabasho ka muujiyeen.