Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta kusii jeeda Baydhabo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Talaado ah ku wajahan Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koofur galbeed.

Waxaa magaalada Beydhabo hada la soo warinayaa inay ka socoto qaban qaabada soodhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo safarka Madaxweynaha uu noqonayo kii ugu horreeyay kadib ee uu ku tago Baydhabo, kadib markii loo doortay 15-kii bishaan xilka Madaxtinimo ee dalka.

Shalay ayey ahayd markii Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Shiikh Maxamuud Wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay,  ayna ku jiraan Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Kadib markii uu maanta gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud waxaa lau wadaa inuu ugu horreeyn isaga iyo Madacweynaha Koofur galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ay xariga si wadajir ah ugu jaraan dib u dhis lagu sameeyay xarunta Madaxtooyada Maamulkaas.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Shiikh ayaa kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sarreysa Koofur galbeed kaas oo la xiriira xaaladda guud ee maamulka mida siyaasadeed iyo tan xaaladda bini’aadanimo.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray culeysyo siyaasadeed oo uu Madaxweynaha Koofur galbeed kala kulmayay siyaasiyiin kasoo jeedo maamulkaas, kuwaas oo ku dhaliyay hoggaankiisa iyo waxqabadka uu la yimid inta uu madaxweynaha yahay.