Madaxweynaha Turkiga oo Booqasho ku maraya dalal badan oo ka tirsan Afrika

MUQDISHO-AYAAMAHA-Turkiga oo xoojinaya xiriirka uu lee yahay waddamada Afrika, ayaa maanta oo Axad ah waxaa dalka Angola tegaya wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Waa booqashadiisa ugu horreysa ee uu ku tegayo Angola, waxaana ku xigi doona wadamada Najeeriya iyo Toogo oo ka wada tirsan galbeedka Afrika.

Turkiga ayaa horrey mashaariic waaweyn uga hirgaliyay waddamada ay ka mid yihiin Soomaaliya, Ghana, Ruwanda.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya ka hirgalisay saldhiga ciidan oo lagu tababaro ciidamada Soomaaliya, sidoo kale, Turkiga waxa ay Ruwanda ka hirgaliyeen fagaare weyn  halka Ghana ay ka hirgaliyeen masjid weyn oo ay ku tukun karaan boqolaal kun oo qof.

Sidoo kale, dowladda Turkiga waxa ay dhistay mashruuc ku kacaya 400km oo ah waddada baabuurta dhulka u dhexeeya dekedda Djibouti ilaa caasimadda Itoobiya ee Addis Abab.

Maalgalinta mashruucani ayaa sababay in dowladda Itoobiya oo aan lahayn bad ay hesho marin loo mariyo ganacsiga soo mara dekedda Jabuuti. xiriirka sii xoogeesanaya ee Turkiga uu la yeelanayo Afrika ayaa laga yaabaa inay miro badan dhaliso.

Safarka maanta u billaabanaya madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa wareeg kale  oo diblomaasiyadeed oo ku saabsan oo ku xoojinayo xiriirka dalkiisa uu la lee yahay waddamada ku yaalla galbeedka Afrika.