Madaxweynaha Turkiga oo booqday goobihii dhul gariirka ku dhuftay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Turkiga Erdoğan oo ayaa booqday Kahramanmaraş, oo ah magaaladii uu sida weyn ugu dhuftay dhul gariirka Isniintii, madaxweynaha ayaa sheegay in dhimashada hadda ay gaartay 8,574 dhawwacana uu dhaafay 50,000 oo qof.

Erdoğan wuxuu sheegay in muwaadiniinta bannaanka ku hoyanaya in loo diyaariyay hoteelo ku yaalla magaalooyinka Mersin, Antalya iyo Alanya. Wuxuu intaa raaciyay in dowladda bixin doonto wax walba midada ay halkaa ku sugan yihiin.

Madaxeynaha ayaa xusay in dhul gariirku uu burburiyay in ka badan 6,400 oo dhismo, wuxuu sheegay in muddo sanad gudihii ay dowaladdu dib u dhisi doonto dhamaan dhismayaashan.

Wuxuu xaalad deg dega ah oo muddo saddex bilood ah uga dhawaaqay 10 gobol ee uu sida ba’an u saameeyay dhulgariirka.