Madaxweynaha Turkiga oo dhaleecayn ba’an kala kulmaya baraha bulshada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhaleecayn ba’an kala kulmaya baraha bulshada, taasoo ka dhalatay talo uu u jeediyay nin la yiraahdo Mehmet Cali oo xisbigiisa ku soo biiray.

Mehmet Ali elebi ayaa dhawaan iska casilay xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Jamhuuriga wuxuuna ku biiray xisbiga cadaalada iyo horumarinta ee Erdoan horaantii bishaan.

Mehmet Cali ayaa Arbacadii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay munsaabadda xisbiga.

Mehmet ayaa xaaskiisa la yimid munaasabadda xisbiga ee lagu soo dhaweynayay. Erdoan ayaa Mehmet waydiiyay imisa caruur ah oo uu dhalay? Isaga oo ka jawaabaya, ayuu u sheegay inuu haysto hal canug.

Kadib markii uu maqlay jawaabta, Erdogan wuxuu u sheegay xaaska Mehmet in ay tahay in carruur badan la helo. Mehmet waxa uu sheegay in xaaskiisa ay dhigato PhD, ayna muhiim u tahay xirfaddeeda.

Erdogan ayaa yiri, “Waa sax laakiin sidoo kale waa muhiim in la kordhiyo tirada carruurta, waxaan rajeyneynaa inay taasi fahantay, bal eeg, xubnaha xisbiga shaqaalaha ee Kurdiyiinta waxay dhalaan 5, 10 ilaa iyo 15 caruur ah.

Madaxweyne Erdogan laftiisu waa aabbe dhalay afar carruur ah.

Muuqaal laga duubay wadasheekeysiga dhexmaray Edogan, Mehmet iyo xaaskiisa ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada.