Madaxweynayaasha Mareykanka, Japan, India iyo Australia oo ku kulmay Tokyo.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Hogaamiyasha Mareykanka, Japan, India iyo Australia ayaa ku kulmay magaalada Tokyo ee dalka Japan si ay uga wadahadlaan amniga gobolka iyo sidoo kale khasaaraha ka dhashay duulaanka uu  Ruushku ku qaaday Ukraine.

Kulankaan oo maanta oo talaadaa dhexmaray madaxda Isbahaysiga aan rasmiga ahayn ee loo aasaasay si ay uga hortagaan saameynta sii kordheysa ee militariga iyo dhaqaalaha Shiinaha, ayaa ka wada hadlay isbeddelka cimilada, tignoolajiyada, la socodka badda, iyo sidoo kale burburka ka dhashay duulaanka Ruushka ee Ukraine, taas oo halis gelisay sidoo kalana abuurtay kala qeybsanaan ka dhex jirta kooxda.

Waxaa xusid mudan in dalka Hindiya, oo xiriir dhow la leh Ruushka, uusan weli cambaareyn dagaalka Moscow, ay ku qaaday Ukraine.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, oo khudbadiisii ​​furitaanka ka hadlay, ayaa yiri”
“Waxaan ku dhex jirnaa saacad madow taariikhdayada aan wadaagno Dagaalka aan naxariista lahayn ee Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine wuxuu kiciyay masiibo bini’aadantinimo Waana arrin caalami ah.”

Kulankaan ay yeesheej Hogaamiyaasha Mareykanka, Japan, India iyo Australia ayaa waxaa dhaleeceeyay Shiinaha isagoona ku  tilmaamay “Nato Aasiya” oo loo dhisay inay xakamayso kororka caalamiga ah.